Somali News

Imaaraadka oo dal ku galka ka joojiyay Soomaalida

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay xayiraad dhinaca socdaalka ah oo ay ku soo rogtay dadka booqashada ku taga dalkaas ee Soomaalida ah.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa fiisaha booqashada looga joojiyay dadka u dhashay Soomaaliya, Kenya, Turkey, Iraan, Yemen, Libya iyo Afghanistan.

Go’aankaan ayaa waxa lagu sheegay inay la xiriirto soo laba kacleynta uu sameeyay Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus oo dowlada Imaaraadka Carabta ay ka baqdin qabto in uu ku faafo.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in 1200 qof oo cusub laga helay Covid19 si loo xakameyana la joojiyay socdaalka badan.

Back to top button