Somali News

Imaaraadka oo Dowladda Federaalka ku sifeeyay maamul KMG ah

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale booq siyaasadeed ka wajaheysa dhinaca Soomaaliya kaddib markii ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaaday tahay mid KMG ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaana rabshadaha la xiriira doorashooyinka.

Maamul Goboleedyada iyo Dolwadda Federaalka ah oo ay ku sifeysan KMG ayey ugu baaqday in ay xaaladda dejiyaan iyada oo sheegtay in kaalinteeda ay ka qaadaneyso sidii xasiloonida Soomaaliya loo soo celin lahaa.

Hadalkaas ayaa la tuhunsanyahay in uu ka caresiiyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu Wasirkeeda warfaafinta isugu yeeray Warbaahinta saaka.

La soco wixii ka soo kordha

Back to top button