Somali News

Imaaraadka oo si rasmi ah u shaaciyay 13 dal oo uu dalkiisa u diiday

Imaaraadka ayaa joojiyay fiisooyinka cusub ee muwaadiniinta 13 dal oo u badan Muslimiin.

Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa joojisay bixinta fiisooyinka cusub ee muwaadiniinta 13 dal oo u badan Muslimiin, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, Syria iyo Somalia, sida ku cad dukumiinti ay soo saartay goob ganacsi oo ay dowladdu leedahay.

Dukumiintiga oo loo diray shirkadaha ay quseeyso oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu xusay wareegtada socdaalka oo dhaqan gashay 18-kii Nofeembar.

Dhanka kale wasaaradda Arimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in uu san sameeyn doonin dadkii horay u heystay dal ku galka.

Waddamada qaar ee ku jira liiskan ayaa waxaa Imaaraadka kala dhaxeeya khilaaf diblomaadiyadeed waxaana ka mid ah Turkiga, Soomaaliya,Iraan iyo kuwo kale.

Back to top button