Somali News

IMB: “ma jiro hal qof oo ay heystaan Burcad Badeedda Soomaaliya”

Hay’adda Badaha Caalamka ee IMB ayaa warbixin ay soo saartay Ku sheegtay in gacmaha kooxaha Burcad Badeedda ah uusan Ku jirin hal qof oo la heyste ah.

Hay’adda International Maritime Barue ayaa sheegtay in saddexdii qof ee ugu dambeeyay ee Ku jiray Burcad Badeedda la sii daayay todobaadkan kuna sii jeedaan dalkooda.

Saddexda qof ayaa u dhashay waddanka Iraan waxaana la qafaashay 2015kii iyaga oo la socday Markab lagu magacaabo FV Siraj oo laga leeyahay dalka Iraan.

Hay’adda ayaa warisay in sanadkii la soo dhaafay ee 2019 iyo lixdii bilood ee ugu horreysay 2020 aysan wax weerar Bircad Badeed ah ka dhicin Xeebaha Soomaaliya.

Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya ayey Hay’adda IMB uga digtay in ay ilaalo la’aan maraan biyaha Soomaaliya.

Warbixinta Hay’adda IMB waxaa lagu sheegay in kooxaha Burcad Badeedda ay wali awood u leeyihiin in ay weerarro qaadaan sidaas daraadeedna loo baahanyahay in la taxadaro.

Back to top button