Somali News

Ismacil Cumar Geelle: “Madaxda Soomaalida ma aysan fahmin waxa ku qornaa warbixintii Xadka Kenya”

Madaxweynaha Waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, jawaabtii Dowladda Federaalka ee Guddigii Jabuuti ee loo saaray arrinta Soomaaliya iyo Kenya.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay wax wanaagsan ka soo qabatay howsha markii horeba ay sida walaalnimada ah ku gashay sida uu yiri.

“Madaxda Soomaalida ma garanayaan mana fahamsana waxa ku qoran warbixinta baaritaanka aan soo sameynay, ma garanayo waxa loo buun buuninayo, waxaan ballaminay shir madaxeed arrinkaas looga hadlayo” ayuu yiri Mr Geelle.

Madaxeeyne Geelle ayaa intaas ku daray in Kenya iyo Soomaaliya ay isku qasbanyihiin in ay heshiiyaan maaddaama dadka iyo dhulka aysan kala tageyn.

Dhinaca lale Ismaaciil Cumar Geelle oo wax laga weydiiyay in Jabuuti oo ka xun xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ay la safatay Kenya ka jawaabayay ayaa yiri ” Soomaaliya iyo Jabuuti waa gacal dad kala go’ana maaha,khilaaf wuu iman karaa wuuna baxayaa”.

Back to top button