Somali News

Itoobiya markii ugu horreysay ka hadashay Ciidamada la sheegay in ay kala baxday Soomaaliya

Dowladda Federaalka ah ee waddanka Itoobiya ayaa beenisay in boqolaal askarteeda kala baxday Soomaaliya si ay ugu xoojiso Ciidankeedi la dagaalamaya Falaagada Tigreyga.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Jamaluddin Omar ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ay Warbaahinta Tabiyeen ee ku aadan in Ciidan gaaraya 3000 askari laga saaray saldhiga Dolo ee Gedo oo ay Ciidanka ku sugnaayeen.

Jamaaluddiin oo Wareysi siiyay VOA ayaa meesha ka saaray in ciidamada Itoobiya ee aan ku jirin AMISOM ay ka baxeen Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa wadda dagaal ka dhan ah Gobolka Tigrey iyada oo kooxda ka Talisa ku eedeysay fallaaganimo.

Back to top button