Somali News

Itoobiya, oo farrinta Mobile-ka ugu diraysa najiitada qofka iska baara Covid-19

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday farsamo cusub oosuurto gelinaya in qofka iska baara Covid-19  farriin ahaan loogu soo diro natiijada baaritaankiisa.

Natiijada ayaa diyaar noqoneysa saddex saacadood kaddib markii qofka labaaro, sida uu sheegay agaasimaha Machadka Caafimaadka Bulshada ee dalka  Itoobiya Meseud Mohammed.

Nambarka gaaban ee 8335 ayaa laga soo diri doonaa farriimaha natiijada qofkasta oo markaas iska baara xanuunka Covid-19/

Dowladda Itoobiya, ayaa tan iyo bilawgii cudurkan waxa ay baadhitaan ku samaysay dad ku dhaw 976,000

856 qof ayaa u dhintay cudurka, iyada oo cudurka laga helay 55,213 qof.   20,283, ayaa lasheegay in ay ka boqsoodeen xanuunkankaasi.

Back to top button