Somali News

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Hub sharci darro lagu geliyay dalkeeda

Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay sawirrada Hub farabadan oo ay sheegtay in si sharci darro ah lagu geliyay dalkaasi lana doonayay in amaanka wax loogu dhimo.

Booliska Waddanka Itoobiya ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Hubkaas iyo Rag watay oo hadda gacanta ugu jira Hay’adaha amaanka ee Waddanka Itoobiya.

Warbixin Booliska magaalada Addis Ababa soo saaray ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM),  laba  Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay  xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.

Booliska ayaa intaasi ku daray in Gacanta lagu soo dhigay, laba rag oo gudbinaysay Hubkan soo na galiyay Magaalada Addis Ababa si dhibato loogu geysto wallow aysan shaacin dadka sigar ah u leh hubkaas.

Back to top button