Somali News

Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ka taageereysa Xasiloonida

Ururka Jamaacadda Carabta ayaa waxaa ay Soomaaliya ka taageereysaa Xasiloonida siyaasadeed iyo midda Amaanka.

Hadalkan ayaa ka soo baxay Jaamacadda Carabta kaddib markii kulan uu Magaalada Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd.

War saxaafadeed ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in kulanka sidoo kale lagu lafa guray horumarka ay sameysay Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Dib u habeynta dhaqaalaha, Ciidamada, Siyaasadda xasilloon iyo dib u dhiska Hay’adaha dowliga ah ayuu ballanqaaday Axmed Abul geyd oo la kumay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/Risaaq.

Soomaaliya ayaa waxaa ay xubin buuxda ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka kooban 22 dal,waxana ay ku biirtay sanadkii 1974tii xilligaas oo uu dalka ka talinayay Maxamed Siyaad Barre.

Back to top button