Somali News

James Swan oo Cali Guudlaawe kula kulmay Muqdisho

Ergeyga Qraamada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe.

Kulanka oo inta badan looga hadlay xaaladda Hirshabeelle iyo Doorashooyinka dalka ayaa qeyb ka ahaa shirar uu Mr Swan ku qancinayo madaxda dowlad Goboleedyada sidii ay uga qeybgeli lahaayeen shirka berri ka furmaya Muqdisho.

War ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle lana xiriiray kulankan ayaa lagu yiri.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku Qaabilay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan.
Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.
Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xili roobaadka.”
Back to top button