Somali News

James Swan oo DF kala hadlay doorashada

Ergeyga Qaramada Midobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Kulanka ayaa looga hadlay waxyaabaha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya sida amaanka, doorashada iyo taageerada beesha Caalamka.

Arrinta doorashada ayaa kulanka si aad ah loogu lafaguray, waxaana Qaramada Midoobey ballanqaadday in ay kaalinteeda ka soo baxeyso.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa Qaramada Midoobey uga mahadceliyay taageeradeeda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa gashay bilo doorasho waxaana socda olole siyaasadeed oo xoog leh.

Back to top button