Somali News

James Swan oo Dhuusamareeb kula kulmay Qoorqoor

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu maanta tagay Magaalada DHuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Mr Swan iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay Madaxtooyada Galmudug kula kulmeen Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Qaramada Midoobey iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayaa ku howlan sidii dhinacyada siyaasiyiinta la isugu keeni lahaa islamarkaana xal looga gaari lahaa muranka doorashada ee ka taagan dalka.

Waa socdaalkiisii 2aad ee uu ku tagayo Dowlad Goboleedyada waxaa uu horay u tagay Koofur Galbeed,waxaana uu todobaadyada soo socda tagayaa xarumaha Dowlad Goboleedyada kale ee dalka.

Back to top button