Somali News

James Swan oo safarkii 2aad ee dowlad Goboleedyada ku tagaya Dhuusamareeb

James Swan Wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ayaa maanta mar kale dib u billaabaya safarradii uu ku tagay dowlad Goboleedyada ee xalka loogu raadinayay ismwariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyad Soomaalida.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, safarkiisa ayaa ah lugtii labaad safaro uu ku marayo xarumaha dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto oo dhowaan fasax ku maqnaa ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, waxaa uu maanta taleefan kula hadli doonaa Madaxda Soomaalida iyo mucaaradka.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan.

Back to top button