Somali News

Janan: “waxaan isu raadinayaa Jubaland loo dhanyahay’

C/Rashiid C/Nuur Janan oo ahaa Wasiirka AMniga Jubaland ayaa gaaray degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo isaga oo ay la socdaan xubno  ka mid ah Dolwadda Federaalka ah.

Janan oo ay garab taaganyihiin saraakiil iyo wasiirro ka mid ah Dolwadda Federaalka ah ayaa sheegay in uu isu raadinayo Jubaland loo dhanyahay sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya iyo XIldhibaan C/Raxmaan Dheere ayaa ugu tagay Tuulada Najax ee duleedka Baladxaawo waxaana ay geeyeen Magaalada Baladxaawo halkaas oo ay dadweynaha kula hadleen.

Janan ayaa wata Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo uu tiradooda ku sheegay 400 Askari kuwaas oo ka mid noqonaya Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Back to top button