Somali News

Jeesow: “Shirka Golaha shacabka waxaa loo baajiyay Madoobe iyo Deni ayaa aqbalay shirkii kale”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa sheegay in sababta shirkii Golaha ee maanta dib loogu dhigay ay tahay in Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ogolaadeen ka qeybgalka shirka arrimaha doorashooyinka.

Jeesow ayaa sheegay in shirka ay hadda ogolaadeen labada Madaxweyne Dowlad Goboleed haddii ay wax ka soo bixi waayaan uu golaha shacabka go’aan qaadanayo islamarkaana muddeynayo waqtiga doorashada dalka.

“Birito 30.03.2021 waxaa shirka madaxda Dowlad goboleedyada ogolaaday labadii didaneed awal, in aay shirka tagaan sharuud la, aana ku saxiixayaan hashiiskii 17 september sidaas darteed ayaa dib loogu dhigay shirka Baarlamanka.

Hadii birito wax ka soo bixi waayaan waxaa tilaabo shirci ah oo dasruur waafaqsan sida ku xusan qodobka 47d lagu mudeynaayaa Doorashada Dalka Baarlamaanka golaha shacabka.
Birito waa laga war dhooraa qoladii dhibka badneed”. yuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Back to top button