Somali News

Jen. Xuud oo duurka Baladweyn farriin ka soo diray

Jeneraalka aan la dhacsaneyn Maamulka Hirshabelle ee Abuukar Xaaji Warsame Xuud, ayaa Maamulka Hirshabelle qeybta ku sugan Hiiraan ugu hanjabay in uu weerar ku qaadayo.

Jeneraalka oo tobanaan qof kula hadlayay banaanka Magaalada oo uu ku suganyahay ayaa waxaa uu sheegay in muddo 48 saacadood ah uu siiyay Maamulka Hirshabelle qeybta ka howlgasha Hiiraan in ay uga baxaan Magaaladaas.

Waxaa uu sidoo kale Maamulka ugu hanjabay in uu tallaabo ka qaadayo haddii aysan joojin dhibaateynta dadweynaha sida uu sheegay kuwaas oo sharci darro lagu xiro.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Saraakiisha Xoogga dalka ee ay isku reerka yihiin ee xilalka laga qaadayo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay dib u soo celiyaan Saraakiisha Xilka laga qaaday ee ay isku reerka yihiin.

Back to top button