Somali News

Jenaraal dil ugu hanjabay Cali Guudlaawe iyo Dabageed

Jeneraal Malleeshiyo beeled ku heysta duleedka Baladweyne ayaa Baladweyne dil ugu hanjabay Cali Guudlaawe iyo yuusuf Dabageed oo dhawaan loo doortay Madaxda Hirshabelle.

ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Xuud ayaa sheeegay in dadka beeshiisa u qaaday kursiga Madaxweyne ku xigeenka ay calooshood u shaqeystayaal yihiin.

Waxuu sheegay in uu dilayo qofkasta oo Beeshaas ka soo jeeda ee taageera Hirshabelle sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in uusan aqbalayn in Cali Guudlaawe lagu caleemasaaro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sida qorshuhu yahay.

Back to top button