Somali News

Jidadka Garowe oo maanta xiran.

Wararka naga soo gaaraya Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in saaka la xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaas.

Dad Ku sugan Garowe ayaa u sheegay Wadani.com in sababta xirnaanshaha Waddadooyinku tahay Madaxweynaha Puntland oo tagaya Magaalada.

Ciidamada  ayaa dadweynaha iyo Gaadiidka u diidaya waddooyinka muhiimka u ah isu socodka Magaalada.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Dhabanacad ayaa hoggaaminaya abaabul lagu soo dhaweynayo Siciid Deni oo Imaaraadka iyo Kenya Ku maqnaa.

Khamiistii la soo dhaafay Madaxweyne Ku xigeenka Pungland Axmed Karaash ayaa magacaabay Guddiga soo dhaweynta madaxweynaha.

Back to top button