Somali News

Joe Biden oo qaaday xayiraaddii uu Trump saaray Muslimiinta

Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa xalay la wareegay xilka Madaxweynaha,waxaana durbadiiba uu saxiixay dhowr digreeto.

Digreetooyinka uu saxiixay waxaa ka mid ah hakinta dhismaha Darbiga Mexico iyo Mareykanka, dib ugu laabashada heshiiskii Cimilada ee uu ka baxay Trumo, qaadista xayiraaddii Muslimiinta ee uu Trump ku rogay, ansixinta Golaha Wasiirrada iyo ku xigeennada iyo qodobo kale.

Biden iyo Harris ayaa loo dhaariyay xilka Maxweynaha Mareykanka iyo ku xigeenkiisa waxaana ay durba guda galeen howshoodo oo ahayd ballanqaadkii ay ku galeen ololaha doorashada Dalka Marreykanka.

Trump oo taageerayaashiisa la hadlayay markii uu ka baxayay aqalka cad ayaa sheegay in uu Xisbi siyaasadeed sameysanayo kuna soo laabanayo doorashada Mareykanka.

Back to top button