Somali News

Jubaland oo diidday ka qeybgalka shirka Muqdisho

Maamulka Jubaland ayaa diiday in uu ka qeybgalo shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in ay ka qeybgalaan Madaxda dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxmauud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubaland aysan ka qeybgaleyn shirkaasi oo uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sayid Aadan ayaa sheegay in shirka aysan ka qeybgaleyn sababo la xiriira amaanka Magaalada Muqdisho oo ay rabshado ka dhaceen.

Shirka ayaa lagu waday in uu furmo 18kii bishan hayeeshee maanta oo 20 bisha sii mareyno uusan shir furmin islamarkaana aysan xitaa joogin inta badan maamul Goboleedyada.

Back to top button