Somali News

Jubaland oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Al shabab.

Hawlgallo ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex ruux oo ka tirsan al Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday Kismaayo.

Ragga la soo qabtay ayaa qirtay in ay bambaanooyinka gacanta laga tuuro ay habeenkii ku tuuri jireen goobaha ay ku caweeyaan bulshada taasoo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka.

Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo.

 

Back to top button