Somali News

K/Galbeed oo todobaadkan billaabeysa doorashada Aqalka sare & Laftagareen oo aaday Baydhaba

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa  u ambabaxay Baydhabo, todobaadyo uu ku sugnaa Muqdisho kaddib.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Koofur Galbeed uu noqonayo maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, sababta safarka Madaxweyne Lafta Gareen qeyb ka tahay bilaabida doorashada.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, si loo xalliyo tabashooyinka jira, waxaana uu xiriiro la sameeyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland, iyadoo dad uu la hadlay Madaxweyne Lafta Gareen uu sheegay in meel wanaagsan u marayo dadaalada u wado.

Dowladda Federaalka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday qabashada doorashada dalka.

Back to top button