Somali News

Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maanta furmaya

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiin uu ka midyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku sugan Magaaladaas iyaga oo ka qeybgelaya kalfadhiga 2aad.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda fritaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in munaasabadda uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadli doono arrimaha Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Back to top button