Somali News

Kalluumeysatada Lamu: “badbaadi biyaha Lamu”, Sawirro

Kalluumeystaada Gobolka Xeebta leh ee Lamu ayaa waxaa ay walaac ka muujinayaan kiiska badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Banaabax ay maanta ku qabteen Lamu ayey ciwaan uga dhigeen “badbaadi biyaha Lamu” iyaga oo rajo xumo ka muujiyay in kiiskaasi ku guuleysato Kenya.

Kalluumeysatada Kenya ayaa ka hor inta aysan dowladdooda ka bixin dacwadda Badda waxaa ay ka codsaadeen in Dadka matalaya Kenya ay qeyb ku yeeshaan.

Doodda labada dal ayaa dhegeysigeeda billowday 15kii Bishan inkasta oo ay isaga baxday Kenya haddana waxaa sii socota dhegeysiga dacwadda.

Kenya oo aan rajo weyn ka lahayn in ay kiiskan ku guuleysato maaddaama ay si gar darro ah ku sheegatay biyaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dacwada u wareejineyso Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

May be an image of 2 people, people standing, people sitting and body of water

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 1 person and body of water

May be an image of one or more people, people standing, people sitting and ocean

 

Back to top button