Somali News

Kenya iyo Cuba oo ka wadahadlay Dhaqaatiirta maqan

Madaxweynayaasha Waddamada Cuba iyo Kenya ayaa ka wadahadlay xaaladda dhaqaatiir udhalatay Cuba oo Ku afduuban gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Waddanka Cuba Miguel Diaz ayaa qadka Taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Mr Diaz ayaa sheegay in wadahadalkaasi uu ahaa mid mirodhal ah oo natiijo laga gaaray.

Dowladda Cuba ayaa Ku dadaaleysa sidii ay dhaqaatiirtaas xorriyaddooda Ku heli lahaayeen.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa beeniyay in la siidaayay dhaqaatiirtaas kaddib markii ay sidaas baahiyeen warbaahinta Caalamka.

Back to top button