Somali News

Kenya oo sheegtay Al shabab saddex qof afduubteen

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ururka al shabaab ay gacanta ku hayaan saddex qof oo la waayay Isniintii la soo dhaafay.

Taliyaha Booliska Mandheera George Seda ayaa sheegay in saddexda qof la qafaashay markii gaari ay wateen oo waday waraaqaha imtixaanka miino la kacday.

Mr Seda waxaa uu sheegay in laba sarkaal boolis ah oo dusha kala socday. gaariga Imtixaanka waday laga helay meel 10km u jirta goobta weerarka iyaga oo bad qaba.

Magacyada saddexda qof ee ku maqan gacanta al shabaab ayuu Taliyaha Booliska Mandheera ku kala sheegay; Mr Galogalo, Mr Oshe iyo Mr Jamal.

Gaariga ay wateeb Ragga la afduubtay ayaa waxaa uu waraaqaha Imtixaanka ka qaaday Nairobi waxaana uu ku sii jeeday Mandheera.

George Seda ayaa dhinaca kale sheegay in weerarrada Al shabaab ay ku kordheen deegaankaas kaddib markii Al shabaab ay qorteen dhallinyaro ka soo jeedda gobolka sida uu yiri.

Booliska ayaa sheegay in iyaga oo adeegsanaya qalabka tignolojiyadda casriga ah ay ogaadeen in saddexda qof noolyihiin una afduubanyihiin Al shaabab.

Back to top button