Somali News

Kenya oo 118 Gaadiidka dagaalka ka iibsaneysa Turkiga

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay Dowladda Turkiga si ay uga iibsato gaadiidka dagaalka ee ay adeegsadaan Ciidamada.

Gaadiidkan oo gaaraya 118 Gaari ayaa la siinayaa Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM sida uu sheegay afhayeen u hadlay Ciidanka Kenya.

Gaadiidkan oo aanay karin rasaasta yaryar iyo Bambo gacmeedyada ayaa qaadaya 9 qof oo ay ku jiraan Taliyaha iyo Darawalka.

Waxaa uu saacaddiiba socon karaa 110km, waxaana uu leeyahay difaac miinooyinka ah isaga oo ay ku badantahay Balaastikada sahasha in uusan gubanin.

Sidoo kale waxaa fudud dayactirkiisa sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda difaaca Kenya.

Saddex sharikadood ayaa ku tartamay qanadaraaskaan iyada oo labada kale laga lahaa Koofur Afrika iyo Mareykanka.

Waxaa Gaadiid shahaaddada tayada sare ka heysta NATO islamarkaana ay adeegsadaan Waddamada Europe qaarkood.

Gaadiidkio hore ee ay Dowladda Kenya ka iibsatay China oo tiradooda gaarayay 50 ayaa u dhamaaday Miinooyinka Al shabaab ee Gudaha Soomaaliya iyo Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

 

 

Back to top button