Somali News

Kenya oo amartay xiritaanka Xerada Dhadhaab

Dowladda Kenya ayaa martay in la xiro Xerada Dhadhaab ee Gobolk Soomaalida ee ay maamusho Kenya ku taalla halkaas oo ay ku suganyihiin kumanaan Soomaali ah.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore isku dayday in ay xirto Xeradan hayeeshee waxaa ka diiday Qaramada Midoobey maaddaama ay saxiixday heshiiska Caalamiga ah ee Qaxootiga.

Iyada oo ka careysan kiiska Badda ee qeyb ahaan loogaga adkaaday ayey Kenya shaacisay in ay Hay’adaha ay khuseyso amartay xiritaanka Xerada Dhadhaab.

Inta badan Soomaalidii ku jirtay xeradaas ayaa dalka dib ugu soo laabtay intii u dhaxeysay 2013kii ilaa 2019kii waxaana wali ku jira Soomaali kale.

Dib u dejinta dadkaas soo laabta waxaa looga sameeyay Jubaland iyo Koofur Galbeed halka kuwo kale ay degeen xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho.

Back to top button