Somali News

Kenya oo bilowday olole ka dhan ah Ganacsatada Soomaalida

Dowladda Kenya ayaa dalkeeda uga dhawaaqday howlgal lagu beegsanayo Ganacsatada Ajaanibta ah ee ay Soomaalida hormuudka u yihiin.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Fred MATIANGI ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ganacsatada Ajaanibta ah ee Kenya ku shaqeysta hantidooda lagu sameeyo kormeer sida uu hadalka u dhigay.

Mitiangi, ayaa laamaha maaliyadda iyo socdaalka Kenya ku amray howlgal loogu magacdaray ka hortagga maalgashiga sharci darrada ah kaas oo loo arko in lagu beegsanayo Ganacsiga Soomaalida maaddaama xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu go’ay.

Dowladda Federaalka ah ayaa beshii la soo shaafay xiriirka u jartay Kenya kaddib markii ay ku eedeysay in ay faragelin siyaasadeed ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

Back to top button