Somali News

Kenya oo Ciidan badan soo dhoobtay Sohdinta

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan Ku soo daabushay sohdinta labada dal kaddib isku dhacii Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dad ku sugan Magaalada Ceelwaaq ayaa u sheegay Wadani.com in Ciidamo farabadan oo ka mid ah kuwa digaaca Kenya lagu soo daadiyay sohdinta labada dal.

Ciidamadan ayaa Ku soo aadaya iyada oo dhawaan ciidanka labada dowladood Ku dagaalameen sohdinta Beledxaawo iyo Mandheera.

Madaxweynaha Kenya oo wax laga weydiiyay dagaalka labada ciidan ayaa sheegay in waxa dagaallamay aysan ahayn SNA iyo KDF ee ay dagaallameen Ciidankiisa iyo Al shabaab.

Shacabka Gobolka Gedo ayaa dhigayay banaanbaxyo ka dhan ah ciidanka Kenya oo dad ray ah kulaayay Ceelwaaq kuwo kalena afduubtay.

Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa dacwad ka gudbisay Ciidamada Kenya ee Ku jira AMISOM islamarkaana dadka rayidka ah Ku laayay Ceelwaaq.

Back to top button