Somali News

Kenya oo Dacwadda Badda qeybteeda u wareejisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dacwadda kala dhaxeya Soomaaliya ay u gudbineyso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey kaddib markii ay shalay ICJ billowday dhegeysiga kiiska labada dal.

Warbaahinta Kenya ayaa saaka qoraya in dowladda Kenya oo xubin ka ah Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ay arrinta kiiskaas u gudbin doonaan Golaha.

Qorshahan ayay Kenya ka damacsan tahay inay sii dheereyso doodda muranka badda oo la filayo in Maxkamadda ICJ ay ugu dambeyn bilaha soo socda xukun ku dhawaaqdo.

Tallaabadan ayaa u muuqata inay Kenya ku jirto xaalad quus ah, oo marba ay gidaarada garaaceyso, maadaama ay ka soo xirantay dhammaan albaabada, isla markaana wadada guuldarada ay ku socoto.

Xeer beegtida Maxkamadda ICJ ayaa shalay diiday codsi ka yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Kihara Kariuki oo doonayay in muddo shan daqiiqo la siiyo, si ay u soo bandhigaan sababaha ay u qaadaceen dhageysiga maxkamadda.

Kenya ayaa sidoo kale shalay horay u sii sheegtay in Aagga lagu muransanyahay ay difaacaneyso islamarkaana aysan oggolaaneyn in ay Soomaaliya la wareegto.
Back to top button