Somali News

Kenya oo fureysa safaaraddeeda Muqdisho

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dhawaan fureyso safaarad ay ka dhisatay Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo booqasho ku yimid Muqdisho ayaa booqday xarunta safaaradda cusub.

Danjire Macharia Kamau oo wareysi siiyay daily nation ayaa yiri ” bisha soo socota waxaan u guuri doonnaa safaarad aan kiro ahayn, waxaan wadnaa qalabeynta safaaradda, diblomaasiyiinteena waxaa ay heli doonaan goob ay iyagu leeyihiin oo ay ku shaqeeyaan”.

Kenya ayaa isku dayeysa in ay soo celiso xiriirka kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya ee xumaaday billowgii sanadkan.

 

Back to top button