Somali News

Kenya oo go’aan ka soo saartay Ciidankeeda jooga Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa go’aan ka soo saartay Ciidamadeda ka tirsan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,iyada oo ka hadashay in ay kaa baxeyso Soomaaliya iyo in kale.

Monica Juma,oo ah wasiirka difaaca Kenya ayaa sheegtay in la bixitaanka C iidanka Kenya ee Soomaaliya uusan ahayn mid ka go’a  Kenya ee uu yahay mid ka go’a Midowga Afrika.

Waxaa ay warbaahinta kula hadashay xero Ciidan oo UK ka furtay Kenya xilli uu la joogay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Ingiriiska Ben Wallace .

Ben Wallace  ayaa shalay waxaa uu Magaalada Mudisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaan wanaagsaneyn xilligan waxaana 15kii december sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya jartay xiriirkii kala dhaxeeyay.

Back to top button