Somali News

Kenya oo ka digtay Weerarro cirka ah oo ay geystaan Al shabab

Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay magaca iyo Sawirka Nin Kenyaan ah oo u tababaran afduubidda iyo duulinta Diyaaradaha kaas oo ka tirsan Al shabab kuna sugan gudaha Soomaaliya.

Hay’adaha amaanka ayaa dadweynaha ka codsaday in Rashid MWalimu ciddii aragta ay la xiriirto saldhigga Ciidanka er ugu dhow.

Ninkan iyo Nin kale oo isna Kenyaan ah ayaa al shabaab ku biiray 2015kii waxaana ay galeen qeybta Amniyaatka hayeeshee mar dambe ayaa la baray afduubka iyo duulinta diyaaradaha.

Ninkii kale ee saaxiibkiis ahaa ayaa lagu xiray Dalka Philipines halkaas oo uu waxbarashada diyaaradaha u joogay waxaana hadda uu ku jiraa xabsi ay leeyihiin Booliska Mareykanka.

Labada Nin waxaa ay saaxiibo ahaayeen madaxii weerarkii DusitD2 ee Magaalada Nairobi,waxaana hadda Rashiid la sheegayaa in uu ku wajahanyahay Kenya si uu weerar uga fuliyo isaga oo qorsheynaya afduub diyaaradeed.

Back to top button