Somali News

Kenya oo ku hanjabtay tarxiilidda Soomaalida Nairobi,lana wareegeysa hantidooda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dalkeeda ka tarxiili doonto Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ee sharci la’aanta ah, Kenya waxay sheegtay inay si gaara u beegsan doonto dadka looga shakiyo argagixisada, kuwaas oo ay hantidooda la wareegi doonto.

Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay qaadayso tallaabooyin kadib markii ay ku guuldaraysatay inay iska difaacdo Soomaaliya markii la tagay Maxakamadda ICJ Kiiskii Badda.

Kenya ayaa hore ugu dhawaaqday inay xidhi doonto Xeryaha Soomaalida badan ee qaxoontiga ah ku jiraan kuwaas oo ay sheegtay inay u qabatay laba todobaad oo aysan hadal ka galeyn go’aanka ay ku xidhayso.

Back to top button