Somali News

Kenya oo shaacisay lacagta uga baxday dagaalka Al shabab

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in lacag farabadan ay uga baxday dagaalka ay kula jirto dhaq dhaqaaqa Al shabaab.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Karanja Kibicho, oo ka hadlayay Magaalada Hindi ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Kenya ay al shabaab uga baxday 50Bilyan oo shilinka Kenya ah.

Waxaa uu xoghaye Kibicho sheegay in Dowladda Kenya ay siyaasadda 1aad ka dhigatay sugidda amniga dadka Kenyaanka ah.

Deegaannada ka tirsan Lamu ayuu sheegay in hadda ay amaan yihiin dibna loo furay goobaha waxbarashada kaddib markii ay Ciidanka Kenya ee ku jira keynta Booni la dagaallameen al shabaab.

Xoghaya ayaa sheegay in lacagtaas badankeeda ay Dowladda Kenya ku bixisay iibinta hub iyo agab Ciidan oo tayo leh kuwaas oo lagula dagaallano Al shabab.

 

Back to top button