Somali News

Kenya oo sheegtay in dhegeysiga kiiska Badda ee Zoom-ka uusan amni ahayn

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay aaladda Zoom ee dadka dhegeysanaya kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya uusan amaan ahayn.

Warbaahinta Waddanka Kenya oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa baahinaya in Dowladda Kenya ay aad uga walaacsantahay in amaanka Internetka gaar ahaanna aaladda Zoomka oo aan sugneyn darteed aysan isku halleyn karin dhegeysiga doodda labada dhinac.

Maxkamadda ICJ ayaa shalay soo saartay in wakiillada labada Waddan ee Soomaaliya iyo kenya ay isu diyaariyaan dhegeysiga kiiska iyada oo dad yar loo oggolyahay in ay tagaan xarunta Maxkamadda islamarkaana Qareennada labada dhinac ay uga qeybgalayaan qaab Online ah oo loo adeegsanayo aaladda ZOOMka.

Dhegeysiga Kiiska Badda ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa loo ballansanyahay 15ka March oo ku beegan maalin Isniin ah hayeeshee dowladda Kenya ayaa geed kasta u fuuleysa sidii kiiskaas dib loogu dhigi lahaa.

Back to top button