Somali News

Kenya oo Soomaalida u fududeysay fiisaha dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay fududeysay safarrada Soomaalida ee dalkeeda.

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qodobada ka soo baxay ka mid ah in fiisaha Kenya lagu siiyo gudaha Garoonka JKIA.

XoghayahaWasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kimau ayaa sheegay in heshiiska ay la galeen Dowladda Soomaaliya ka mid tahay fududeynta fiisaha.

Mr Machario ayaa sheegay in 32,000 oo Soomaali ah ay u dalxiistagaan Kenya, dadkaas oo uu sheegay in la laba jibaari karo Haddii fiisaha loo fududeeyo.

Diyaaradda Kenya Airways ayuu ku eedeeyay sababta ay uga gaabisay duullimaadyada Muqdisho oo uu sheegay in dalalka Uganda, Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga ay ka faa’ideysteen.

Back to top button