Somali News

Kenya oo Soomaaliya ka hor istaagtay ku biirista Urur Goboleedk Bariga Afrika

Dowladda Kenya ayaa la wareegtay hoggaanka Ururka Bariga Afrika kaas oo ay Soomaaliya dooneysay in ay ku biirto.

Shir Ururka uu shalay yeeshay ayaa waxaa Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,waxaana uu xilka laga wareegay Madaxweynaha Rwanda Poul Kagame.

Kaddib kulankii Ururka waxa ay dib u dhigeen codsiga Soomaaliya ee ku biirirsta Ururka Bulashada Bariga Afrika,waxaa sidoo kale ay Ururka ogolaadeen islamarkaana aqbaleen Codsiga DRC.

Sidoo lale Ururka waxaa Xoghaye guud loogu doortay Peter Mutuku Mathuki, oo u dhashay Kenya waxaa la doortay shan sano oo aan dib loo cusbooneysiineyn.

Waxaa uu xilka kala wareegay  Liberat Mfumukeko oo xilkaas loo magacaabay April 2016kii,waxaana uu hadda noqnayaa xoghayaha cusub ee Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Back to top button