Somali News

Kenya oo Soomaaliya ku eedeysay dhabar ka toogasho

Dowladda Kenya ayaa maanta qoraal ay soo saartey ku sheegtay in dacwadda badda uga qaybgali weysay saddex arin oo kala ah Cadaalad darro ay dheegtay in maxkamadda ICJ sameysay, xanuunka Covid-19 oo hoos u dhigey diyaar-garowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah oo dhinaca Soomaaliya la jira.

Sidoo kale, dowladda Kenya waxay ku cataawday in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasi oo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay ‘Argagixisada iyo Burcad baddeeda.

Maxkamadda ayaa horay u diiday codsi 4aad oo ay ku dooneysay dib u dhigista dhegeysiga Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Back to top button