Somali News

Kenya: “Soomaaliya wey ogeyd weerarkii Ceel Cadde”

Dowladda Kenya ayaa Shan sano kaddib weerarkii Ceel Cadde ku eedeysay Dowladda Soomaaliya in ay ogeyd weerarkaas hayeeshee ay ka qarisay ama aysan la wadaagin xogta weerarkaas.

Wargeyska ka soo baxa Kenya ee Daily Nation ayaa maanta daabacay in Sirdoonka Soomaaliya ay heleen xogta weerarkaas iyo intii ay is diyaarinayeen Al shabaab hayeeshee aysan wax wargelin ah siin Ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Wargeysku waxaa uu sheegay in laba Gaari oo laga buuxiyay walxaha qarxa oo ay kala saaranyihiin 50KG iyo 30KG oo qaraxyo ah lagu weeraray Iridda iyo gudaha Saldhigga halkaasna lagu dilay 50 Askari 11 kalena la qabsaday iyaga oo nool.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Adeegga Wada xiriirka AMISOM oo aan jirin darteed ay Ciidamadaas waayeen gurmad ka soo gaara markii ay weerar kala kulmeen boqolaal ka tirsan Al shabaab.

Guddigii dabagalka Qaramada Midoobey  ee Soomaaliya iyo Eritrea  ayaa sheegay in 150 Askari lagu dilay halkaas iyada oo uu weerarkaas noqday kan ugu khasaaraha badan howlgalka AMISOM inta la xusuusto.

Sidoo kale waxaa uu noqday weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee gaaray Milatariga Kenya tan iyo madaxbanaanidii dalkaas sanadkii 1963dii.

Dowladda Kenya ilaa hadda si rasmi h uma shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray Ciidamadeeda weerarkaas waxaana dadka Kenyaanka ah is weydiinayaan sababta ay Dowladda Kenya warbaahinta uga qarisay khasaaraha weerarka ka soo gaaray.

Back to top button