Somali News

Kenyatta: “xiriir wanaagsan ayaa nagala dhaxeeya Soomaaliya”

Kenya Soomaaliya

Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wax khilaaf ah uusan kala dhaxeyn Soomaaliya islamarkaana ay leeyihiin xiriir wanaagsan.

Mr Kenyatta ayaa dafiray in Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay Ku dagaallameen sohdinta labada dal.

“Iskuma dhicin Ciidankeena iyo kuwa Soomaaliya waxaa ay ahaayeen shabakad Al shabaab ah oo weerarro ka geysata sohdinta” ayuu yiri Mr Uhuru.

Kenyatta ayaa Ku faanay in labadii sano ee la soo dhaafay ay hoos u dhaceen weerarrada Al shabaab ee gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayuu sheegay in ayaa baxayn inta ay Soomaaliya joogto AMISOM sidoo kalena laga baabi’inayo qatarta Al shabaab ee Gobolka.

Mr Kenyatta ayaa booqasho Ku jooga dalka France halkaas oo uu heshiis Ganacsi kula galay dhiggiisa France Emanuel Macron.

Back to top button