FeaturedSomali News

Khasaaraha ka dhashay madaafiic lala beegsaday fariisin ay leeyihiin ciidammada NISA.

 

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidammada nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, ayaa dhaawacmay kadib markii xarakada Al-shabaab ay madaafiic huwisay fariisin ay ku lahaayeen duleedka bari ee magaalada Beledweyne.

Wararka ka imanaysa Hiiraan, ayaa sheegay in Al-shabaab ay madaafiic huwisay fariisin xerada Iftin oo kutaalla deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan.

 

Ciidammo katirsan kuwa Djibouti oo kusugan xerada , ayaa lagu soo warramayaa in ay ka jawaabeen weerar, oo iyaguna ay ganeen madaafiic khasaare geystay.

 

Majiro tirakoob rasmiya, oo tilmaamay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdaas lala beegsaday fariisin ay leeyihiin ciidammada NISA ee aagga Beledweyne.

 

Back to top button