Somali News

Khasaare ka dhashay Duqeyn laga fuliyay Degmada Jilib

Wararka ka imanaya Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duqeymo kala duwan ay ka dhaceen Gobolladaasi Jubbooyinka.

Duqeynta 1aad ayaa waxaa ay ka dhacda Degmada Jamaame waxaana halkaas la sheegay in lagu dilay Hoggaamiye ka tirsanaa AL shabaab oo lagu magacaabayay Sheekh Thaabit.

Dhinaca kale duqeyn ayaa waxaa ay ka dhacday Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe waxaana la beegsaday xarumo ay lahaayeen AL shabaab.

Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha Helicopterska loo yaqaan ayaa lala beegsaday saldhig ay AL-shabaab ku diyaarinayeen weerar lagu qaado Saldhigga Baar Sanguuni.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay xubno ka mid ah Al shabaab laguna bur buriyay ilaa 7 Gaari oo ay Al shabaab doonayeen in ay u adeegsadaan Weerarka Baar Sanguuni.

Back to top button