Somali News

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Tiro dad ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu Qarax ka dhacay Waddada Xiriirisa KM4 iyo Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay halkii ay horay u degganaan jireen Safaaradaha Turkiga iyo Qadar oo dhawaan la furay kaddib markii ay safaaradaha ka guureen.

Waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo halkaasi marayay sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ka agdhawaa xilliga qaraxa.

Waddadan ayaa dhowr todobaad ka hor Qarax lagula beegsaday Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad C/raxmaan oo ay qaar ka mid ah Ilaaladiisa ku dhinteen.

Qaraxa saaka khasaaraha nafeed ee ka dhashay wali rasmi looma oga maaddaama ay Ciidamada Dolwadda xireen Waddada islamarkaana dadka u diideen in ay ka agdhawaadaan.

Back to top button