Somali News

Khasaare ka dhashay weerar AMISOM lagula beegsaday Muqdisho

Ciidamada Amisom ayaa weerar khasaare geystay lagula beegsaday degmada Kaaraan ee Magaalada muqdisho.

Inta laxaqiijiyay qaraxa iyo Rasaastii ka dambaysay ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 ruux oo shacab ah kuwaa oo ka koobnaa aabe, Xaaskiisa , Gabaryar oo uu dhalay iyo Wiil farmashiye ku gadaayay goobta ay wax kadhaceen.

Qaraxa oo ka dhacay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ayaa haleelay gaari Ciidamadama AMISOM uwaday Raashin kaa oo goobta wali yaala , ciidamadiina ay lajoogaan.

Ilaa hadda lama xaqiijin ciidamadii Amisomta hadii ay jirto qasaare nafeed oo kasoo gaaray qaraxa maadaama anan loodhawaan karin goobta ay wax ka dhaceen oo ay iyagu isku geedaameen.

Waxaana hadda goobta gaaray maamulka degmada kaaraan oo uu horkacaayo gudoomiyaha degmadaasi Abshir kaaraan.

 

Back to top button