FeaturedSomali News

Khayre , oo soo dhaweeyay ansixintii baarlamanka ee heshiiskii doorashooyinka.

 

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya  ahna musharax madaxweyne ee dalka mudane Xasan Cali Khayre, ayaa qoraal uu soo saaray ku ku soo dhaweeyay tallaabadii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel-mariyeen heshiiskii Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku gaareen magaalada Muqdisho.

“Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay Labada Gole ee Baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada. Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada.” Ayuu yiri mudane Xasan Cali Khayre.

 

Khayre, ayaa ku baaqay  in nidaamka doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daahfuran, xor iyo xalaal ah.

“Waxaan ku baaqayaa in nidaamka doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daahfuran oo u qabsoonta si xor & xalaal ah.” Ayuu Khayre ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka.

Khayre, ayaa bishan gudaheeda shaaciyay  inuu yahay musharax u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, kadib markii uu iska casilay xilkii raysal wasaaraha Soomaaliya.

Back to top button