Somali News

Kheyre: “Banaanbixii maanta waxaa baajiyay xukuumadda xil gaarsiinta”

Musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in go’aanka midowga Musharaxiinta ay dib ugu dhigeen mudaaharaadkii loo balansanaa maanta oo Sabtida ah uu salka ku hayo badbaadinta nafta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xaruntiisa ololaha kula hadlay boqollaal taageerayaashiisa kamid ah oo isu-diyaarinayey banaanbaxa  loo ballansanaa ayaa sheegay in meel aan lagu banaanbixi karin, dowladnimo aan laguma fulin karin sidaa darteed dibadbixii qorsheysnaa aan laga tanaasulin ha yeeshee dibna laga soo sheegi doono xilliga la qabananayo.

“Banaanbaxii nabadeed ee dhici lahaa waxaa mar kala carqaladeeyay xukuumadda xil-gaarsiinta ee hadda jirta oo uu ugu horreeyo madaxweynaha xilligiisu dhamaadey oo aad ogtihiin in balantii ay ka baxeen meel walbana ay ciidamo soo dhigeen si ay ugu carqaladeeyaan amniga dhibaatana ugu geystaan wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee doonayay inay codkooda ku muujiyaan sida ay tahay in dalkan loo gaarsiiyo doorasho la isla ogol-yahay”, ayuu yiri Khayre.

“Xorriyad la’aanta hadda jirta oo la is-hortaagayo in xuquuqdii dastuurka la is-hortaago, waa waxaan la yeeli karin haddii hadda la yeelana 30-ka sano ee socota ayay Ummadda Soomaaliyeed dhibaateyneysaa”.

Midawga Musharrixiinta ayaa oo mudaaharaad ay hoggaaminayeen lagu rasaaseeyay Feberaayo 19, 2021, ayaaa horumuud u noqon lahaa dibadbaxa kale oo ay shacabka Soomaaliyeed ku muujin lahaayeen dareenkooda ku aaddan xaaladda cakiran ee dalka.

Back to top button