Somali News

Kheyre iyo Sh.Shariif oo kulan Ku yeeshay Nairobi

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan Ku yeeshay Nairobi.

Kulanka labada Nin oo ah Kuwa ay dan isu keentay ayey kaga hadleen xaaladda Siyaasadeed ee dalka, doorashada lagu kediyay mucaaridka, iyo waxa ay ka yeeli karaan sidii Madaxtooyada looga saari lahaa Farmaajo.

Kheyre oo dhawaan gal Ku ah mucaaridka ayaa waxaa uu saldhig ka dhigtay Nairobi, halka Sheekh Shariif oo 11Sano Mucaarid ah uu degganyahay Dubai.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu labadii bilood ee la soo dhaafay joogay Dubai isaga oo aan ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ee isbeddellada badan gashay.

Back to top button