Somali News

Kheyre miyuu Kenya u ballanqaaday Bad Soomaaliyeed?

Falxado Deeqow Imaan oo ah senetor ka tirsan Aqalka sare ee dalka Kenya kana qeybgashay kulankii shalay uu Xasan Cali Kheyre la qaatay Baarlamaanka Kenya ayaa ka hadashay waxyaabihii looga hadlay.

Falxado waxaa ay sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu dowladda Kenny weydiistay garab siyaasadeed.

Waxaa kale oo ay sheegtay in uu Kenya u ballanqaaday in kiiska Badda ee labada dal u dhaxeeya uu xallinayo.

Kheyre oo laftiisa xaqiijiyay kulanka ayaan faahfaahin ka bixin waxa uu Ku saabsanaa.

Senatarad Falxado ayaa goor dambe farriin ay soo dhigtay raaligelin uga bixisay warka dhiillada leh.

Kheyre ayaa ololo siyaasadeed ka wada Gobolka waxaana uu doonayaa in uu noqdo Madacweyanaha Soomaaliya.

Back to top button